Doorashada 2020 Waa Tijaabada Horumarka Dimoqraadiyada Soomaaliya

0
29

Soomaaliya waxay u jihaysan tahay doorasho guud oo dalka ka dhacda sanadka 2020/21. Toddobaadkii dhawaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo furay kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in doorashada xilligeedii ay ku qabsoomi doonto.

Hoggaamada axsaabta mucaaradka aad ayay u dhaliilaayeen in muddo ahba habka Dowladda Federalka (DF) ay u mamushay hawsha Doorashada gebigeedba. Dhaliisha ugu horreysa waa in DF aysan islmarkii ay la wareegtay talada dalka ku dhaqaaqin hawsha doorashada balse ay dhaqdhaqaaq billowday mar waqtigii uu lumay. Maantoo dhowr bilood keliya ka harsan yihiin doorashooyinkii ayay ku nuuxnuuxsanaysa in Doorashada la qaban doono “waqtigii loo astameeyay”.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waraysi uu la yeeshay TV-ga Dalsan wuxuu ku dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Khayre in weli aysan keenin barnaamij cad oo doorashada khuseeya “waqtiga doorashada ay dhacayso, nooca doorashada la qabanaayo, iyo cidda maamulaysaba”. Wuxuuna intaas ku sii daray in haddeer waqtigiiba dhammaaday, “wixii saddex sano lagu sameyn waayay dhowr bilood laguma qaban karo.”

Waxaa muuqata in Axsaabta mucaaradka ay ka simman yihiin in doorasha “Qof iyo Cod” aysan qabsoomi Karin. Sida ku cad Dastuurka Dalka qodobkiisa 60aad muddada xilhaynta Xildhibaanada Golayaasha Qaranku waa afar sanadood. Sidaa darteed waxa waajib Dastuuriya ah in afartii sanadoodba dalka ka dhacdo doorasho.

Sida ku xusan Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Golayaasha Dalku ay kala ansixiyeen 28kii December 2019 iyo 8dii February 2020, Madaxweynuhuna saxeexay 21kii February 2020; doorashooyinka qabsoomaya sanadka 2020/21 waxaa loogu talagalay in ay noqdaan kuwo inta ugu tirada badan muwaaddiniinta ay codeeyaan si ay u noqdaan kuwo afkaarta ama axsaabta kala duwan ay u helaan matilaad ay mutaystaan, taasoo ah nuxrurka dimuqraaddiyada.

Haddaba, aanu isweydiinee, sidii horeyba u dhacday haddana muuqata, haddii doorasho hal qof iyo hal cod ah ay suurtaggeli weydo muxuu noqon doonaa beddelkeeda? Sidee baase looga guuri karaa habkii hore?

Doorashadii 2012 waxay ahayd in la qabto doorasho metelaad buuxda ah (hal qof iyo hal cod), laakiin ma suurtaggelin sababo badan aawadood. Sidaa darteed waxa danaystayaasha siyaasaddu ku heshiiyeen in 135 oday dhaqameed soo xulaan xildhibaannada Golaha Shacabka.

Tii xigtay ee 2016, waxuu qorshuhu ahaa in la qabto sidoo kale doorasho hal qof iyo hal cod ah, haddana nasiibdarro sababaha maanta jira oo kale aawadood ayey u suurtaggeli weyday. Sidaas darteed, markale danaystayaasha siyaasadda waxay ku heshiiyeen shirkii Baydhabo ee 25kii Juun 2016 in 135tii oday dhaqameed lagu beddelo in xildhibaan kasta ay soo xushaan 50 ergo oo ka yimaadda reerka ama jufada xildhibaanka dooraneysa.

Maanta waxaa muuqata in doorasho la qabto 2020/21 aanay sinnaba suurtaggal u ahayn, si loo helo nidaamka metelaad daah-furan, haddana fursad u siinaya muwaaddin kasta oo gaaray da’da doorashada meel kastaba ha ka jooggee dalka inuu codkiisa si xur ah u baxsado. Habkaas oo ku salaysan halbeegga caalamiga ah ee “hal qof iyo hal cod”.

Sidaa darteed, su’aasha taagan waxay tahay habkee looga guuri karaa hannaankii 2016ka?

Xaajadu ma sahlana marka la tixgelinayo waqtiga yar ee ka dhiman xilli-dhammaadka xilhaynta (Maandeytka) Golayaasha Qaranka, isla markaasna ay dalka ka jiraan caqabado amni iyo siyaasadeed, iyo duruufo waqtigu keenay (covid-19) oo aan la’ dafiri karin.

Sidoo kale, waxaa xaqiiqo ah in hannaanka doorashooyinku aanay noqon karin mala-awaal xilli dalku uu ku jiro marxaladdii gurguurashada, booddo dheerna uusan awoodiin iyadoo aysan burburin guulihii isa soo tarayay ee ka dhashay sannadihii sida nabdoon awoodaha dalka madaxda qaranka ay iskugu wareejinayeen (2012 iyo 2017).

Marka labaad, laga billaabo 2000 dawlado shaqaynaaya ayaa noogu soo dhismay habkas, dhibaatooyin bandanna an uga soo gudubnay, inta dhimanna aannu kaga gudbi karno haddii Eebe idmo.

Marka saddexaad, waxaa inteenna goobjoogga ahayd marxaladihii dalka uu soo maray xusuusannaa in sababihii burburka dowladnimada sababay kow ka ahayd “qabasha la’aanta codbixin madaxbannaan ee wakiillada Golaha Shacabka iyo hoggaan hab dimuqraaddi ah lagu soo xushay”.

Taariikhda ayaa na bartay in waddammada ku dhisan sharciga iyo dimuqraadiyad aanay dumin, dagaallo sokeeye uusan ka dhicin, dowladduna aysan fashil ku dhicin (State Failure).

Marka afraad, ma jirto meel ay Dastuurka Dalka kaga xusan tahay in doorashadu muddo dhaafi karto waqtigeeda, muddo xileedka xaddidan ee dastuuriga ahna la kordhin karo, haddii aan dib loogu noqoneyn dhaqanxmumadii 2012 iyo 2016. Dastuur ninka hoggaanka haya uu sida uu doono u bedbeddelaa waa midka Afrika badankeedu ku hoogtay.

Marka shanaad, waxaynu fahansannahay in doorashadu tahay quruxda dowladnimada, rajada shacabka iyo hirgelinta geeddisocodka dimuqraaddiyada. Haddii ay doorashadu baaqatana ay horseedi karto hubanti la’aan (uncertainity) iyo mustaqbal aan qofna saadaalin karin sida uu noqon doono.

Sidaa darteed, waxaa na horyaal xigmadii lahayd “Taad dooneysay, haddaad waydo taad ka badin weydo yeel (qaado)”. Haddaba, tan laga badin waayey waxay u muuqataa inay tahay:

(b) In waqtiga yar ee dhiman si degdeg ah loogu diyaar garoobo  qabsoomidda doorasho dadban, xor ah, oo xalaal ah;

(t) In la kordhiyo tirada ergada xildhibaanka dooranaysa, oo ugu yaraan la’ laban-laabo (50 Ergo lagu daro tii hore ee sanadkii 2016 oo ahayd 51). Ergada cusub ee xildhibaan walba soo xulaysanna ay sidaa ku noqoto 101 Ergo (51+50 = 101) oo kursi walba, dalka oo dhan ah (Single Uniformed Delegates). Taas oo ka dhigi doonta tirada guud ee dadka codaynaya (101 X 275 = 27,775 qof).

(j) In la’ deegaameeyo kuraasta intii suurtaggal ah. Tusaale ahaan Koonfur Galbeed oo kale in kuraasta degaamada ka soo jeeda gobolka Bakool la deegaameeyo oo lagu qaban Xudur, kuwa Gobolka Bay iyo Shabeellada Hoose loo sii daadejin hoos. Kuwa Hirshabeelena sidaas oo kale la deegaameeyo oo xildhibaannada ka soo jeeda Hiiraan doorashadooda lagu qabto Beledweyn, halka kuwa Shabeellada Dhexe lagu haynayo Jowhar. Sidoo kale kuraasta ka imanaysa Puntland lagu qabto Boosaaso, Dhahar, Galkacyo, Garoowe, Qardho, iwm. Guddida Doorashada ee heer qaran iyo midka Maamul-goboleed-kuna ka wada shaqeeyaan deegaamaynta kuraasta.

(x) In Kuraasta degaamaysan ee jufooyinka la isku daro. Tusaale ahaan: 3da Kursi ee Degmada Cadaado in ergooyinkooda la isku daro oo laga dhigo 303 ergey. Iyaga oo wada jirana ay doortaan 3-da xildhibaan ee Degmada Cadaado. Kuwa Somaliland-na la’ isu raaciyo saddex-saddex kursi, iyada oo lagu salaynayo sida ay isu raaci karaan hayb-ahaan.

(kh) In Odayaashii 135ka ahaa ee ergada soo qorayey lagu kabo 6 xubnood oo kale oo odayga Isimka ah ka caawiya xulitaanka Ergada. Lixdaas xubnood oo odayaasha kaalinaya waxay ka koobnaan doonaan; 3 nabaddoon, iyo 3 aqoonyahan oo isla reerka ama Jufada dhexdeeda ah (Hubinta iyo Ansixinta 6-da xubnood ee Isimka ka caawinaya xulidda ergada).

Doorashu micnaheedu ma aha inaannu arki doono baarlamaan ka wanaagsan kii hore, balse rajadu waxay tahay in hal tillaabo horey loo qaado marba marka ka dambeeyso. Xigmad Soomaaliyeed ayaa oraneysa, “Waa Allay Badaye aan Awrta Ku Kacsanno”.

W/Q Cabdi Cabdullahi Carroone

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here