Ilhaan Cumar oo markale dib loo soo doortay

0
18

Warar hada soo dhacay ayaa xaqiijiyay in mar kale dib loo soo dooortay Ilhan Cumar,  iyadoo ku soo baxday doorashadii ka dhacday degmada 5-aad halkaas oo ay ku difaacatay kursigeedii.

Codbixintii shalay deegaankaas ka dhacday ayey Ilhaan kaga guulaysatay musharixiintii kale ee kursigan kula tartamaysay.

Safaf dhaadheer ayey dadka ugu jireen sidii ay codkooda doorashadan uga dhiiban lahaayeen, iyadoo la sheegay in Soomaali badan ay sanadkan codkooda dhiibteen.

Dhanka kale waxaa weli socota tirinta codadka doorashada madaxtinimada ee waddankaasi Mareykanka, iyadoo laga dhursugayo oo haatan ay diiradda saaran tahay gobollada aadka loogu loolamayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here