Madasha Xisbiyada oo War kasoo saaray Guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka

0
14

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif  Sheekh Axmed ayna ku midoobeen ilaa lix Xisbi Siyaasadeed ayaa waxaa ay cadeeyeen mowqifkooda ku aaddan Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee Magacaaban.

Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa lagu sheegay in lagu cambaareynayo in Xubnaha Guddiyada laga soo xulay Xubno ka tirsan NISA iyo Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda , isla markaana taasi ay baalmarsan tahay shuruucda u yaalla dalka iyo heshiiskii doorasho ee la gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here