Codeynta doorashada madaxweynaha Hirshabeelle oo ka socato Jowhar

0
124

Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa ayaa manta lagu waddaa in ay ka dhacdo Magalaada Jowhar , iyadoo si weyn loo adkeeyay Ammaanka Xaafaddaha ay ka dhaceyso doorashada.

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa ah mid aan la heyn xiiso badan , maadaama ay u taagan yihiin Afar Musharax oo kaliyah.

Doorashada maanta waxaa u taagan kala ah:

  1. Musharax Madaxweyne Kuxigeen Hirshabeele Maxamed Maxamuud Cabdule
  2. Musharax Madaxweyne Ku Xigeen Hirshabeele Yuusuf Axmed Hagar Dabageed
  3. Musharax Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen
  4. Musharax Madaxweyne Hirshabeele C/raxmaan Jimcaale Cismaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here