Khasaare ka dhashay qarax lala eegtay Ciidanka AMISOM oo marayay Xaafadda Jamhuuriya

0
9

Dadka deegaanka ayaa Ogaal-Media u xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso,oo lala eegtay ciidamo ka tirsan AMIOSM oo wadada ku socdaalayay , waxaana jira khasaaro ka dhashay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidanka AMISOM.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacamay qaraxaas 4 ruux oo shacab ah oo isugu jira Aabe, Xaaskiisa , Gabaryar oo uu dhalay iyo wiil  kale oo farmashiye ku leh halka uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Masjidka Turkiga oo ku yaalla wadada u dhaxeysa Isgoyska fagax & Xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here