Shirka Madasha Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaalia oo ka furmay Muqdisho+SAWIRO

0
3

Shirka wadatashiga musharixiinta madaxweynaha Soomaliya ayaa si rasmi ah uga furmay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho shirka oo ay hogaamiyaasha xisbiyada Mucaaradka isku xog wareesanayaan ayaa socon doono mudo sedex maalmood ah.

Shirkan ayaa waxaa ay musharaxiinta diirada ku saari doonaan sidii ay mowqif mideysan ugaga istaagi lahaayeen arrimaha doorashooyinka dalka.

Musharaxiintan ayaa sameysanaya Midow ay ku wada jiraan iyadoo aan la ogeyn sida uu ku jirayo midowgaa maadaama ay ka wada mideysan yihiin doonista kursiga madaxweynaha.

Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee hadda ku sugan Shirka Wadatashiga Murashaxiinta
  1.  Madaxweynihii hore Soomaaliya Xassan Sheikh Mohamud
  2. Madaxweynihii hore Somaaliya Sheikh Shariif Sheikh Ahmed
  3. Madaxweynihii hore ee Galmudug Abdikariim Xuseen Guuleed
  4. Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan
  5. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxman Cabbdishakuur
  6. Hoggaamiyaha Xisbiga Nabadda Prof Maxamed Cabbdi Gaandi
  7. Hogaamiyaha Xisbiga Dan Qaran Sheikh Daahir Geelle
  8. Musharaxa Madaxweyne Mustaf Dhuxulow
  9. Musharax Madaxweyne Ra’iisul Wasaarihii hore Xassan Ali Kheyre
  10. Hoggaamiyaha Xisbigai Ileys Cabdulqaadir Cosoble Cali
  11. Musharax Madaxweyne Xuseen Cabdi Xalane
  12. Hogaamiyaha Xisbiga Kulan Mohamed Siriin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here