Musharax C/kariin Guuleed oo la kulamay Gudoonka Sare ee labada Aqal+SAWIRO

0
121

Musharax Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Kulamadan ayaa ahaa kuwo looga hadlayay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka oo xilligan muran weyn uu ka taagan yahay Guddiyadii doorashada ee la dhisay.

C/kariin Guuleed ayaa u sheegay labada Guddoomiye in loo baahan yahay in hannaan doorasho oo cadaalad ah ay dhacdo, isla markaana Guddiyada doorashada lagu soo xulo qaab lagu wada qanacsan yahay.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay talo, wada hadal iyo isu tanaasul, iyo heshiis loo dhan yahay, si loo helo xasillooni siyaasadeed.

Dhinaca kale C/kariin Guuleed ayaa kulankii uu la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal la wadaagay walaaca Musharaxiinta ka qabaan Guddiyada doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here