Axmed Madoobe oo sheegay in uu bedelayo afarta xubnood ee guddiga doorashooyinka

0
87

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay inuu bedelayo afarta xubnood ee Jubalanad ku matalayso guddiga doorashooyinka, isaga oo xusay inuu aqbalay baaqii musharixiinta Madaxweynaha.

Axmed Madoobe ayaa walaac xoogan ka muujiyay doorasho ka dhacda dalka, taas oo uu sheegay in aysan jirin wada sax ah oo xilligaan ay ku socoto doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale waxuu sheegay in loo baahan yahay in la fuliyo hehsiisyadii doorasho ee la gaaray, lana kala saaro sida ay u dhacayaan doorashooyinka iyo ololaha ay wadaan dadka mas’uuliyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here