Madaxweynaha Galmudug oo musharaxiinta ka codsaday inuu dhexdhexaadiyo iyaga iyo Dowladda FS

0
109

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ka codsaday inuu dhex dhexaadiyo Midowga Musharaxiinta iyo dowladda federaalka Soomaaliya, six al looga gaaro kala aragti duwanaasha arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweyne  Qoorqoor oo xalay Hotelka Jazeera kula kulmay Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa kala hadlay sidii loo xalin lahaa tabashada ka jirta Guddiyada doorashadooyinka ee dowladda soo magacaawday.

Midowga musharixiinta ayaa la sheegay inay aqbaleen codsiga madaxweyne Qoorqoor ee dhex dhexaadinta iyaga iyo dowladda Federaalka.

Dadaalka u madaxweyne Qoorqoor ka dhex wado midowga musharixiinta iyo dowladda federaalka ah ayaan la ogeyn inuu yahay mid uu isagu isku xilsaaray iyo in madaxda dowladda Soomaaliya ay la ogtahay,

Madaxtooyada Villa Sooomaaliya ayuu habeen hore kulan ku dhexmaray  Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynaha Galmudug iyo Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin, waxaan looga arinsanayay arrimaha doorashooyinka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here