Xiliga uu furmayo tartanka ciyaaraha K/C Dowlad goboleedyada oo la shaaciyay

0
25

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim Cali ayaa sheegay in tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada uu si rasmi ah u ga furmayo magaalada Muqdisho 15-ka December-2020.

Wasiir Maxamed Xaaji Ibraahim Cali ayaa sidoo kale  xusay in dhamaan ciyartooyda ay haatan ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, ayna tababar ku qaadanayaan garoomada ku yaalla caasimadda.

Waxuu sidoo kale tilmamaay in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah ay siineyso ciyaaraha dalka, si loogu xoojiyo is dhaxgalka iyo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibadda.

Isku aadka Tartanka kubadda cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee 2020-ka ayaa loo kala qeybiyay labo guruub.

Xulka Jubbaland ayaa haatan difaacanaya Koobkaan waxeeyna ku guuleyseen 2017, iyadoo labadii sano ee la soo dhafay aan la qaban tartanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here