C/rashiid Janan “Go’aanka lagula dirirayo Jubbaland Wuxuu ka go’ay Taliyaha NISA”

0
103

Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur ayaa ka warbixiyay marxaladihii uu soo maray khilaafka dowladdafederaalka iyo Maamulka Jubbaland iyo qaabkii lagu xiray.

C/rashiid Janan ayaa sheegay in mar kasta Axmed Madoobe uu diyaar u ahaa wada hadal, balse dhanka dowladda Federaalka ay waday isku day kasta oo dagaal ka dhan ah, si ay ula wareegto Maamulka Jubbaland.

Mar uu ka hadlayay xarigiisa iyo cida ku lugta laheyd ayuu sheegay in xariggiisa Muqdisho ay ka dambeeyeen Madaxweyne Farmaajo, Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin iyo C/llaahi Kulane oo Madaxweynaha qaraabo la ah, kana mid ah saraakiisha sare ee Nabadsugida.

Waxaa uu sheegay in ninka ay talada ka go’day ee colaada Jubbaland waday oo go’aanka lagula dirarayay lahaa uu ahaa Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland ayaa weli halkiisa ah, waxaana la hadal hayaa in dowladdu qorsheyneyso inay soo saarto go’aan ka dhan ah Maamulka Jubbaland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here