Madaxda dalka iyo beesha caalamka oo kawada hadlaya doorashooyinka

0
308

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada dalka, Dowlad goboleedyada iyo beesha Caalanka ayaa lgu wadaa in maanta ay kulan ku yeeshaa dhanka Internetka ee Aalada Zoomka.

Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlayo arrimaha doorshooyinka, amaanka iyo xal u helista caqabada hortaagn qabsoomidda doorashooyinka.

Ra’ysul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa daahfuraya kulanka sida ku cad jadwalka habsami u socodka isagoo ka warbixin doono sida ay dowaldda u wajeheyso arrimaha amaanka iyo doorashooyinka.

Xubaha dowladda Soomaali shirka uga qeybgalayo waxaa ka mid ah Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble, ku-xigeenkiisa Mahda Maxamed Guulleed Khadar iyo Wasiirada, Gaashaandhigga, Amniga, Cadaaladda, Dastuurka, Haweenka iyo madaxa dowlad goboleedyada dalka.

Dhan kale Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) Wakiilka QM ee Somalia James Swan, Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira iyo safiiro kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here