Raysul Wasaare Rooble oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Garoowe+SAWIRO

0
146

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe kusoo dhoweeyay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Soo dhoweynta waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka koowad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka iyo kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Raii’sul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda iyo Bulshada Puntland uga mahadnaqay sida diirran ee ay ugu soo dhaweeyeen Magaalada Garowe, isaga oo xusay in mas’uuliyiinta iyo bulshada uu kala hadli doonaa arrimo muhiim ah sida Amniga, Doorashooyinka iyo Adeegyada bulshada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here