Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Puntland oo ka wada hadlay arrimo badan

0
101

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Garowe kulan kula yeeshay Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta dowladda Federaalka ah iyo Puntland, Arrimaha doorashooyinka iyo qodobbo kale.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo wadatashi ah oo uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo Madaxda Dowlad Gobolleedyada dalka, si wadajir loogu wajaho dowlad dhisidda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here