Muuse Biixi oo ka faa’iideysanayo xiriirka sii xumaanaya ee Kenya iyo Soomaaliya

0
105

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta oo axad ah la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Muuse ​​Biixi oo booqasho ku jooga magaalada Nairobi,  si ay dowladda Kenya ugala hadasho arimo kala duwan oo ku saabsan ganacsiga iyo amaanka, iyadoo ay jirto khilaaf diblumaasiyadeed oo kala dhaxeeya Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Nairobi waxeeyna booqashadiisa ku soo beegmaysa maalmo kadib markii dowladda Soomaaliya ay dalkeeda ka ceyrisay diblomaasi sare oo ka tirsan Kenya sababo la xiriira faragalin joogto ah oo ay ku hayso arrimaheeda gudaha.

Nuqul ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegtay in safarkii ugu horreeyay ee rasmi ah ee Biixi uu ku tago Nairobi tan iyo markii uu xukunka la wareegay Oktoobar 2017 ee gobolka gooni u goosadka ah uu ku lug yeelan doono wadahadallo ku saabsan arrimaha “danaha wadaagga ah” gaar ahaan amniga iyo xiriirka ganacsiga.

“Xiriirka adag ee udhaxeeya Kenya iyo Somaliland wuxuu xoojinayaa isdhexgalka amniga, dhaqaalaha iyo bulshada ee labada dhinac,” ayaa lagu sheegay nuqulkaas.

“Somaliland waa saaxiibka muhiimka ah ee gobolka Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada iyo gaar ahaan Al-Shabaab.”

Saraakiisha ku sugan Nairobi ayaa sheegay in booqashadan ay wanaajin karto xiriirada muhiimka u ah xasilloonida siyaasadeed iyo dhaqaale ee Geeska Afrika. Inta uu kulan socdo, waxaa laga yaabaa in laga wada hadlo dood ku saabsan in Kenya Airways loo ogolaado inay duulimaad toos ah ka bilaabato Hargeysa iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here