Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

0
93

Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG dowlad goboleedka K/Galbeed.

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, masuuliyiin ka tirsan labada gole Maamulka iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay gudoomiye Mursal iyo xubnaha ku wehliya socdaalkooda.

Gudoomiyaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya xildhibaano ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya, kuwaasoo degaan doorashoodu ay tahay Magaalada Koonfur Galbeed,si ay faraxadda ula wadaagaan xuska sanadguurada 2 aad ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ku Beegan Beri 19/12/2020.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa wado abaabul iyo qaban qaabada xafladdaas lagu maamuusayo sanad guurada 2-aad ee madaxweynaha K/galbeed C/casiis Laftagareen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here