Saraakiil iyo Mas’uuliyiin hore oo ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo

0
92

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax ka dhacay o goob lagu soo dhaweynayay Ra’iisul wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu geestay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa ,wuxuuna isku qarxiyay Al-baabka laga soo galo Garoonka Ciyaaraaha ee Cabdullaahi Ciise ee Gaalkacyo halkaasi oo ay ka socotoy Xaflada soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug.

Saraakiil iyo mas’uuliyiin horay xilal uga soo qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa qaraxa ku dhinatay .

Taliyihii qeybta 21aad ee ciidanka Xoogga dalka Jen. Qooje Dagaari iyo Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug Col. Mukhtaar ayaa ku geeriyooday qaraxa

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay duqii hore ee Gaalkacyo ee qeybta Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here