Dagaal laga cabsi qabo inuu ka dhaco Xuduudka Beledxaawo iyo Mandheera iyo ciidamo isku horfadhiyo

0
81

Wararka laga helayo magaalooyinka xuduudka ah ee Beledxaayo iyo Mandheera ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoogan si weyn looga dareemyo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in magaalooyinka Mandhera iyo Beledxaawo saacadihii la soo dhaafay ay Ciidamadda Dowladda Soomalaiya iyo Kuwa Kenya ay ka wadaayeen dhaq dhaqaayo xoogan oo ay suurta gal tahay in dagaal uu ku dhexmaro xaduudka.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ciidamo fara badan ku daabuleysay degmada Beledxaawo, kuwaas oo ka soo galayo degmooyinka Luuq iyo Doolow, inkastoo Kenya ay dhankeed ciidamo geesy xuduudka Mandheera.

Sidoo kale dadka ku sugan Mandheera ayaa sheegay in saaka ay arkayeen diyaarado helicopter ah oo ku duulaya joog hoose, taasina ay cabsi ku beertay dadka deegaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya inay jabhad ku hubeyneyso xuduuda, waxaana ay ka digtay in maleeshiyaadkaas soo weeraraan Beledxaawo, dowladduna ay difaaceyso madaxa bannaanida dhulkeeda iyo wadajirkeeda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here