Tartanka Ciyaaraha K/Cagta Gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

0
144

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay tartanka ciyaaraha K/Cagta Gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada oo sanadkii mar la qabto.

Ciyaarahaan oo aad looga jecelyahay dalka ayaa maanta waxaa lagu daahfuray Xulalka Gobolka Banaadir iyo Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DF Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa si rasmi ah u daah furay tartanka Kubbadda Cagta Maamul Goboleedyada iyo G.Banaadir 2020, kadib munaasabad lagu maamuusayay furitaanka Tartanka.

Boqolaal dadweyne ah oo kala taageesan labada kooxood ayaa garoonka ku sugan,si ay u dhiirageliyaan ciyaartooda.

Wasiir Xamsa Saciid Xamsa ayaa kubadda u baasay Duqa Muqdisho Cumar Filish, si  taratanka u furmo.

Masuuliyiinta kale ee ku sugan garoonka waxaa Gudoomiayha xiriirka k/ Cagta Soomaaliyeed Mudane C/qani Saciid Carab, Wasiirada wasaaradaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda dowlad goboleedyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here