Dab khasaaro geystay oo ka kacay qeybo ka mid ah Suuq weyn ee degmada Wadajir

0
113

Ku dhawaad 15 Dukaan ayaa lagu soo waramayaa inuu dab xoogan qabsaday, waxuu dabku saameeyay qeybo ka mid Suuqa weyne  ee dagmada Wadajir.

Goobjoogye ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dabka oo geystay khasaaro hantiyadeed, isagoo xusay in debka xoogiisa uu ka cay qeybaha lagu iibiyo dharka, waxuuna ku sii fiday  ilaa Suuqa Dahabka.

Goobjoogaha waxuu intaa ku daray in ilaa sedex leen oo midkasta ay ku yaalaan ilaa 8- dukaan uuna dabku baabi’iyay.

Lama ogo waxa sidia rasmiga ah uu debka uga boloowday, balse waxaa la rumeysan yahay inuu ka bilaawday koronto, waxaana iminka socanayo gurmad iyo baartiataano lagu ogaanayo waxa dhaliyay dabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here