DHAGEYSO:Wasaaradda Aminga Galmudug u digtay dadka aado deegaanada Al-shabaab

0
276

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin fiqi ayaa ugu baaqay inay muddo todobaad ah isku soo diiwaangeliyaan Xarunta Nabadsugida Magalada Gaalkacyo dadka aaday degaannada ay Maamulaan Al-Shabaab ee la kulmay.

Waxaa uu sheegay in cid alaala ciddii aada degaannada ay Maamulaan Al-Shabaab ee la hadasha aysan kusoo noqon doonin degaannada Galmudug, isaga oo sheegay in Wasaaradda Amniga Galmudug ay tallaabo ka qaadi doonto.

Waxaa uu ku amray laamaha Amniga Galmudug inay xiraan dadka aaday goobaha ay joogaan Al-Shabaab ee ka dhega adeegay Amarada Wasaradda, sidoo kalena la maxkamadeyn doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here