Dowladda Hoose oo sheegtay xiliga la soo gabagabeenayo wadada Isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

0
107

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Kormeeray  Wadada Xariirisa  Muqdisho iyo Afgooye halkaas oo uu dhismo ka socdo.

Guddoomiyaha iyo Xubnaha la socda ayaa indha-indheeyay sida uu u socdo dhismaha wadada oo haatan meel geba-gabo ah maraya, wadadaas oo loo dhisayo laba qeybood oo gawaarida ay isku dhaafi karaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in muddo laba todobaad gudahood ah lagu soo geba-gabeyn doono dhismaha wadada laamiga ah ee xiririirisa Muqdisho iyo Afgooye oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in bulshada looga baahan yahay inay ilaashadaan laamigaas loo dhisay, waxaana hadalkiisa uu intaasi ku daray in dhawaan sidoo kale la bilaabi doono dhismaha Wadada Xariirisa  Muqdisho iyo Jowhar.

Wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhismaheeda ku daatay dhig farabadan, waxaana Maanta oo kale sanadkii 2019 qarax ismiidaamin ah lagu weeraray  Ex-koontorool Afgooye Gaari ay wateen Injineero Turki ah, waxaana qaraxaasi dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray injineerada Turkiga ahaa & dad Shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here