Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray dhismaha bulaacad casri ah oo laga sameeyay Muqdisho

0
12

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha Bulaacad Casri ah oo uu maamulka gobolka Banaadir ka hirgaliyay waddada isku xirta isgooska Km4 ilaa dekada Qalalan ee magaalada Muqdisho .

Fulinta mashruucan oo ay baahi u weyn u qabeen bulshada caadimadda ayaa qeyb muhiim ah ka qaadan doonto xal u helida saameenta uu roobka u geesto bilicda iyo isku socodka magaalada.

Mashuuracaan oo ay fulisay dowladda hoose waxuu biloow u yahay dadaalo ay dowladda hoose xal ugu raadineyso maareynta biyah roobka uu dhigo wadooyinka waaweyne ee magaalada Muqdisho” sidaasi waxaa yiri ku-xigeenka duqa dhanka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Faarax Cabdi Diini oo goobn jooga ka ahaa mauanaasabadda xarig jarka ah.

Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay dhameestirka mashruuc magaalada loogu sameenayo biyo mareeno casri ah , si xal rasmi ah loogu helo biyaha xili roobaadka fariista wadooyinka caasimadda.

Waxuuna shacabka ku nool G/Babaadir ugu baaqay inay doorkoda ka qaataan  bilacda caasimadda, ayana dhowraan nadaafadda deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here