Madaxda ugu sareyso dalka oo ka qeybgalay xafladdii abaalmarinta Ciyaartooyada Galmudug iyo Banaadir

0
6

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda Xiritaanka Tartanka Kubadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tartankan uu kor u qaaday is-dhexgalka, walalnimada iyo midnimada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu ay u leeyihiin nabadda, xasilloonidda iyo horumarka dalkeenna, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu yihiin la dagaallanka xagjirnimada iyo maandooriyaha, joojinta Tahriibka iyo qabyaaladda.

“Dowladdu si ay u hirgeliso Qorsheyaasha Qaran ee horumarinta ciyaaraha waa in qeybaha kala duwan ee bulshada ay doorkooda ka qaataan. Xukuumadda waxaan ku adkeynayaa in ay xoojiso isdhexgalka bulshada, taas oo ay ugu horreeyaan ciyaaraha Kubadda Cagta”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Wasaaradaha Ciyaaraha Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Ciidamada Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, dadaalkii ay ku bixiyeen qabsoomidda Tartankan ka turjumaya hor u socodka dalkeenna.

Sidoo kale Raysul Wasaaraha Jamahuuriyadda Soomaaliya mudane Maxmed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyay dhamaan ciyaartooydii ka soo qeyb galay tartanka, isagoo sheegay inay muujiyeen karti wanaag iyo ciyaaro ay ka muuqatay xirfad ay dhaliyarad soomaaliyeed u leeyihiin Kubadda Cagta.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Gudoomiyaha G/Banaadir ayaa sheegay in tartankaan u yahay midka ugu xiisaha iyo xamaasadda badan ciyaarha dalka, taasi ay ku timid dadaalka iyo ciyaar wanaaga ay muujiyeen ciyaartooyda iyo kooxaha ka qeybgalayay taetanka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa koobka gudoonsiiyay guuleesteyaasha sanadka 2020 ee xulka K/gobolka Banaadir, sidoo kale Xulka Galmudug ayaa la gudoonsiyay bilado iyo abaalmarino kale maadaama ay ku guuleesteen Kaalinta 2-aad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here