Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo u kuurgalay amniga magaalada Dhuusamareeb

0
7

Kusimaha madaxweynaha ahna Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa krmeer loogu kuur galayo xaaladda amniga, isaga oo lug ku soo meeray qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Dhuusamreeb.

Madaxwayne Cali Daahir Ciid iyo qaar ka mid ah saraakiisha amniga ayaa si wada jir ah u booqaday goobaha ay ku cawaysimayaan bulshada , waxeeyna ka xog waraysaneen  xaaladda guud ee amniga caasimada .

Sidoo kale Madaxwaynaha ayaa kormeeray saldhiga booliska Dhuusamareeb waxa uuna warbixin guud ka dhagaystay xafiiska OPga ee saldhiga,iyadoona Warbixin kooban laga siiyay madaxwaynaha kiisaskii ugu dambeeyay ee saldhigga uu gacanta ku haayay.

Kormeerkan ayaa ah mid uu madaxwayne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ugu kuur galayo xaaladda amniga ee caasimadda taasi oo la filayo inay dhawaan ka bilowdaan doorashooyinka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here