Nin hubeysan oo haweeneey ganacsato ah ku toogtay magaalada Boosaaso

0
3

Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay qof dumar ah oo ka mid aheed dadka ganacsiga yar yar ku dhex leh Suuqa Magaalada Boosaaso, xili ay ku sugneed goobteeda ganacsi.

Marxuumadda la toogtay oo lagu Magacaabi jiray Caasho Maxamed Ceynab ayaa la sheegay waxa rasmiga ah ee ka dambeeyay dilkeeda, iydoo ninkii dilka geestay uu goobta isaga baxsaday sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal ku sugan suuqa.

Ciidamada amniga magaalada ayaa soo gaarat goobta uu dilka ka dhacay, waxeeyna halkaasi ka sameeyaay howlgallo lagu soo qabtay dad lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dilaas.
Ma jirto wax faahfaahinn ah oo ay hay’adaha amaanka ay ka bixiyeen dilka iyo dadka la soo qabqabtay hwlgalka kadib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here