Maamulka Galmudug oo ka arinsaday dad rayid ah oo lagu laayay Galgaduud

0
88

Kulan deg deg ah oo looga arinsaday ka hortagga dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ee lagu beegsanayo dadka rayid ah iyo dagaal beeleedyo mar kale ka dilaaco deegaanda Galmudug ayaa xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug.

Kulanka uu shir gudoominayay kusimaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka  Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa waxaa gooboog ka ahaa wasiirka arimaha gudaha saraakiisha hugaamisa qeybaha kala duwan ee ciidamada sida booliska, nabad sugida, GorGor, ciidanka Haramcad iyo AMISOM.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa saraakiisha amaanka Galmudug faray awaamir ku saabsan sugida amniga Galmudug gaar ahaan ka falcelinta dhacdadii dadka Shacabka ah lagu dilay ee ka dhacday Deeganka Xirsi Lugeey ee Duleedka Dagmada Balanbale.

Saraaskiisha ayaa dhankooda sheegay in ay sameenayaan howlgallo baaritaano ah,ayna gacanta ku soo dhigayaan cid kasta oo ku lug yeelato dhacdadii shalay lagu laayay dadka rayid ah ee aan waxba galabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here