Al-shabaab oo 30 Km u soo jirtay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud

0
89

Dagaal culus ayaa xalay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dhexmaray deegaanka Ceeldheere oo 30 km u jirta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah waxeey ku soo qaadeen cidamo Booliis ah oo ku sugnaa saldhig deegaanka iyo Barkootarool oo lag asoo galo degaanka Ceeld,waxeeyna mudo saacado ah la wareegeen gacan ku heyta deegaanka, inkastoo  mar dambe ay isaga bexeen.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay labo Askari oo ka tirsanaa ciidamadii boliiska ahaa ee la dagaalamay Al-shabaab, halka labo kalana ay dhaawacmeen, balse khasaaraha dhanka alshabaab ayaan weli la ogeyn.

Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa haatan dhaq dhaqaaqyo ka wada duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here