Duqa Muqdisho oo kormeeray dhismaha wado laami ah oo isku xirta Isgoysyada afarta darjiino iyo Maanabolyo

0
89

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer shaqo ku tagay wado laami ah oo xiriiriso isgoysyada afarta darjiino iyo Maanabolyo ee gobolka Banaadir.

Gudoomiye Cumar ayaa qeyb qeyb u booqday dhismaha laamiga iyo marshibyeeriga oo leh biyo mareen casri ah, si ay san ugu hakan biyaha roobka.

Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay inuu dib ugu soo celiyo canshiuurta ay bixiyaan, ismarkaana magaalada ay yeelato wadooyin casri ah oo leh miyo mareeno.

Waxuu dadka deegaanka ugu baaqay inay ilaashadaan wadooyinka loo dhisayo, ayna xoog saraaraan ka shaqeynta nadaaafadd iy nabadgelyada degaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here