Duqeyn lagu dilay horjoogeyaal ka tirsan Alshabaab.

0
90

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa tuulo yar oo 20-km dhanka waqooyi Bari kaga beegan Deegaanka Goobaanle, ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Horjoogaasha Sare Alshabab ee duqeynta lagu dilay ayaa waxaa ka mid ahaa

  1. Sheekh Cabdi Gaab oo Al-Shabaa u qaabilsanaa Maxkamadda, Wanlaweyn, Beled Amiin, Goobaanle iyo Tuulooyinka ku xeeran.
  2. Macalin Bilaal oo ahaa madaxa wacyigelinta Alshabaab ee deegaanada Leego, Beled amiin, Goobaanle iyo Buur Heybe ayaa ka mid ahaa dadka duqeynta lagu dilay

Kooxda Al-Shabaab ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqeynta lagu dilay horjoogeyaal sar sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa todobaadkaan aad u kordhiyay duqeymaha dhanka cirk ah ee ala beegsanayo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here