Saraakiil iyo Askar loo xiray dilka gudoomiyihii degmada Hodan

0
86

Taliyeyaasha saldhiga booliska degmooyinka Howlwadaag iyo Waaberi ayaa loo soo xiray dhacdadii xalay lagu dilay AU Gudoomiyihii degmada Hadan C/xakiim Dhagajuun.

Waxaa sidoo kale xabsi loo taxaabay dhamaan askartii ku sugneyd barta koontarool ee ka dhacday mashaqada lagu dilay marxuumka, waxaana socdo baartitaano lagu ogaanayo sababta keentay dilka gudoomiyaha.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hay’adaha amaanka faray in si deg deg ah baaritaan loogu sameeyo dhacdadaan.

Allaha u naxariistee Guddoomiye C/xakiin Dhegajuun ayaa shalay ka soo laabtay safar caafimaad uu ku tagay dalka Turkiga, kaddib markii uu ku dhaawacmay qarax lala eegtay bishii November ee sanadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here