Dowladda Hoose oo olole nadaafadeed ka sameysay Jidka sodonka+SAWIRO

0
301

Maamulka degmada Howl-wadaag oo kaashanaya waaxda Gaadiidka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa xalay olole nadaafadeed waxa ay ka sameeyay waddada Soddonka ee magaalada Muqdisho.

Waddada ayaa laga qaaday carro iyo qashin fara badan oo ay dhigeen roobabkii ka da’ay magaalada iyo dadka deegaanka, waxaan arintaasi ay dhibaato ku tahay billicda waddada iyo guud ahaa caafimaadka bulshada.

Mas’uuliyiinta maamulka degmada Howl-wadaag iyo waaxda Gaadiidka Dowladda hoose ee Xamar ayaa dadka deegaanka ka dalbaday inay dhowraan nadaafadda iyo bilicda wadad, iyagoo sheegay in howlaha dib u soo celinta bilicda iyo kor u qaadista nadaafadda deegaanka ay sii socon doonaan ilaa laga gaaro ujeedka laga leeyahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here