Xiisad dagaal oo ka dhextaagan Alshabaab iyo dadka deegaanka Xarardheere

0
9

Xiisad dagaal ayaa ka dhex taagan Kooxda Alshabaab iyo dadka ku dhaqan degamada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Xiisadda ayaa ka dhalatay kadib markii Al-shabaab ay xoog ku qafaasheen ku dhawaad 50 gaari oo ay lahaayeen mid ka mid beelaha ku nool degmada Xarardheere oo ka horyimid xukun diyo ah ay Al-shabaab ku riday, balse ay ka biyo diideen xukunkaas.

Qaar ka mid ah dadka deeganaka ayaa bilabay in ay duurka isku hubeyaan, si ay ula dagaalamaan Alshabaab o gacanta ku heyso degmada Xarardheere iyo tuuloyinka ku hareereysan.

Dadka deeganka ayaa inoo xaqiijiyay in degmada laga dareemayo dhaqdhaqaayo ciidan oo ay suurtagal tahay inay ku dagaalamaan Alshabaab iy dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here