Dagaal ka socdo Beledxaawo oo sii xoogeestay iyo Khasaare ka dhashay

0
307

Waxaa sii xoogeysanayo dagaalka ka socdo magaalada Bledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo dhaxeeyo  ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ee uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ).

Dagaalka  ayaa la sheegay inuu qarxay xalay saqdii dhexe, kadib markii ciidamo uu watay C/rashiid Janan ay soo galeen degmada Beledxaawo oo horay ay ugu sugnaayeen ciidaan dowladda Soomaaliya.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka socdo Saldhiga Booliska Beled-Xaawo, Masjidka Qadiib iyo Dabaqa Xarunta u ah Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom, yadoo madaafiicdu ay u gudbeyso xaafadaha ay ku sugan yihiin dad rayid ah.

Dhanka kale waxaa jiro khasaare xogan oo soo kala gaaray, dhinacyada ay dirirtu u dhaxeyso iyo dadka rayidka ah, balse weli si sax ah looma oraan inta ay la egtahay dhimashada iyo dhaawaca madaama uu dagaalka Socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here