Shacabka G/Banaadir oo taageeray xaqiijinta 13-ka Kursi ee metelaada Aqalka Sare

0
95

Shacabka G/Banaadir  ayaa maanta dhigay dibadbaxyo lagu taageeray xaqiijinta 13-ka Kursi ee metelaada aqalka sare uu yeelanayo gobolka Banaadir.

Baqlaal daweyne ah uu horkacayo maamulka G/Banaadir iyo dowladda hoose ayaa isugu soo baxay fagaaraha daldirka daahsoon,iyagoona Madaxweynaha Soomaaliya uga mahadnaqay inuu xasiixo xuquuqdii gobolka Banaadir ee matalaada Aqalka Sare.

Xildhibaano, siyaasiyiin, ururada bulshada iyo mas’uuliyiinta maaamulka G/Banaadir uu horkacayo Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa ka qeybgalay dibadbaxa lagu taageerayay xaqiijinta 13-ka kursi uu G/Banaadir ku yeelanayo matalaada aqalka Sare.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay in juhdi iyo farsamayin kala duwan lagu bixiyay sidii loo raadin lahaa 13-ka kursi ee shalay uu saxiixay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Framaajo.

Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in ay jiraan mas’uuliyiin iyo madax caqabad ku ah matalaadda uu  helay gobolka Banadir, isago ugu baaqay inaan la siyaasadeen xuquuda ka maqan gobolka.

Guddoomiye Cumar Filish waxaa uu si weyn ugu mahad celiyay madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in shacabku ay taageeraan Madaxweynaha iyo Xildhibaanada labada Aqal dadaalka dheer ee uu ku bixiyeen Helitaanka Matalaadda Gobolka.

 

baxa waxaa ka mid ahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here