Duqeyn lagu dilay horjoogeyaal ka tirsan Alshabaab

0
90

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Ma’moodow oo qiyaastii 40km u jira Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in duqeynta lagu bartilmaameedsaday xarumo ay Kooxdu ku laheyd deegaanka Ma’moodow ayna ku sugnaayeen xubno sar sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo ilaaladoodo.

Al-shabaab ayaa mudo dhowr san go’doomin ku haysay degmada Xudur iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Bakool.

Wax war ah weli Alshabaab kama soo saarin duqeynta lagu dilay horjoogeyaal sar sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here