Madaxda Dowladda FS iyo Kuwa Dowladgoboleedyada oo gaaray Dhuusamareeb.

0
95

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaas oo uu ku shir guddoominayo shirka Wadatashiga ah ee lagu wado inuu ka furmo Dhuusamareeb.

Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Booble iyo wafdigiisa ayaa galabta soo gaaray Dhuusamareeb.

Sidoo kale Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Koonfurgalbeed C/casiis Lafta Gareen iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Xuseen Guudlaawei ayaa soo gaaray magalaada Dhuusamareeb.

Madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madooobe iyo kan Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay soo gaaraan Dhuusamareeb, si uu u furm shirka oo lagu wado inuu furm berri insha’allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here