Wasiiro ka tirsan Dowladda FS oo gaaray degmada Bardaale ee gobolka Baay

0
22

Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Bardaale ee gobolka Baay, si ay ugu kuurgalaan xaaladda nloleed iyo tan amni ee ka jirta degmadaas.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo hogaaminayay wafdiga wasirrda ah ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Haweenka Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale .

Wasiirada ayaa waxaana garoonka diyaaradaha degmada Bardaale kusoo dhaweeyay maamulka degmada iyo qeybaha bulshada.

Wafdiga ayaa soo qiimeyn doono xaaladda bini-aadanimo ee ka jirta iyo qaabka ugu haboon ee kaalmo lagu gaarsiin karo dadka ku dhaqan degmada Berdaale iyo deegaanada kale oo hoosyimaada degmada.

Sidoo kale wafdiga ayaa la sheegay iney wadaan gurmad aan badneyn oo dowladda Soomaaliya ugu talo gashay dadka ku nool degmada Bardaale oo ay ka jirto xaalad bini’aadanimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here