Warbixin ku saabsan shirka wadatashiga ah ee ka socdo Dhuusamareeb

0
104

Shir wadatashiga ah ee u dhexeeyo madaxda Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Dowlad goboleedyada dalka ayaa ka furmay magaalada Dhusamareeb ee xarunta Galmudug.

Ilo ku dhow dhow shirka  ayaa sheegaya in shirka shalay looga hadlay arrinta Somaliland, iyadoo Madaxda Dowlad Goboleedyada la hadleen Guddoomiye Cabdi Xaashi, laguna wargeliyay arrinta Somaliland inay ka soo heshiiyaan isaga iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, ayna wixii ay ka soo wada hadlaan u soo gudbiyaan shirka.

Maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa qaba in mudada shirka aan lagu soo xadidin saddex maalmood ee loo daayo inta shaqadu ku dhamaaneyso, meeshana laga saaro saddexdii maalmood ee Madaxweyne Farmaajo shirka u qabtey, sidoo kale waxay dalbanayaan in Madaxweeynuhu joogo ilaa natiijada shirka oo uu baajiyo ballanta uu isugu yeeray Baarlamaanka 5 Febaraayo.

Dhanka kale labada maamul ayaa tageersan qoraal ka soo baxay guddoomiyaha aqalka sare oo si iskiis ah u dalbadey in shirka lagu casumo, waxaana ay qabaan in labada guddoomiye shirka ka soo qaybgalaan.

Waxaa jirta rajo xumo weyn oo laga muujinaayo in shirkaani uu miro dhal noqdo marka la eego qodobada ku xeeran ka hor gudagalka shirka ajandihiisa, iyo mudada aadka u yar ee u harsan Madaxweyne Farmaajo in uu helo qorshe lagu beddelo 8 Febaraayo.

Wakiilada beesha Caalamka ee taageera Dowaldda Soomaaliya ayaa sheegaya in aan wax laga beddeli karin heshiiskii 17 September, sidoo kale ay indhaha ku hayaan kuwa caqabadda ku noqda doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here