Hogaamiyihii burcadda dhibaateyn jirtay ganacsatada Soomaalida ee Koonfuur Afrika oo la qabtay

0
250

Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa ganacanta ku soo dhigay hogaamiyihii kooxaha burcadda ah ee ganacsatada Soomaalida ku dhibaateen jiray magaalooyinka Koonfur Afriga, kuwaas oo dhac iyo dil u geesan jiray .

Ninkan ayaa la sheegay in Boliiska K/Afrka ay ka soo qabteen deegaanka Motherwell oo ka tiran magaala Port Elezapeth, oo ay ka howlgali jireen isaga iyo kooxdiisa Burcadd ah, iyadoo ay in mido ah baadigoobayeen ciidaka.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool magaala Port Elezapeth ayaa waxaa ay sheegeen in Ninkaan uu Caan ka yahay Magaalada, isla markaana uu Madax u ahaa Burcadda dadka dhacda mararka qaarna Soomaalida disha.

Saraakiisha Booliska magaala Port Elezapeth ayaa dhankooda waxaa ay warbaahinta u sheegeen inay baaritaan ku hayaan Ninkaan, si loo helo kooxo kale oo kamid ah kuwa Ganacsatada dhibaatooyinka kala duwan u geysta.

Qabashada hoggaamiyaha burcadda Koonfur Afrika ayaa kusoo aadeysa xili xalay iyo shalay subax kaliya dilay Saddex Muwaadiniin Soomaali ah mid kalana lagu dhaawacay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Soomaalida, waxaana ka dhaca dilal loo geysto dhainyarada ku Ganacsada magaalooyinka kala duwan ee dalkaas, dhaawac iyo in la boobo hantidooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here