Maxkamad ku taala magaalada Landon oo xabsi daa’in ku diray muwaadin Soomaaliyeed

0
83

Maxkamad ku taala waqooyiga magalada Landon ayaa xabsi daa’in ku diray muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inuu dil u geestay xaaskiisa.

Xuseen Yuusuf Cigaal ayaa kamid ahaa Soomaalida degan xaafada Edmonton ee waqooyiga london, waxaana lagu helay dambi ah in uu si bareer ah u dilay xaaskiisa.

Maxkamad la soo taagay mr. Xuseen ayaa ku heshay dilka xaaskiisa Maryan Ismaaciil  oo 6-dii  bisha April sanadkii 2020, ku tilay xaafadda edmtonton ee waqooyiga magaalada Landon.

Wuxuu horay maxkamadda uga hor cadeeyay in Cudurka Karoona uu hayay oo xaaskiisa ay tiri Guriga iiga bax oo karoonaha uu waalayay sidaasi ku dilay xaaskiisa.

Xuseen  oo ah 66 jir, isla ahaa darawal ayaa qaadan doona xabsi cimrigaa haku furto ah, waxaana soo dhaweeyay xukunkaas Ehellada labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here