Guddigii loo xil saary dacwadda Badda Soomaaliya oo saaka ka dhoofay Muqdisho

0
101

Guddigii loo xil saary dacwadda badda Soomaaliya ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho ,iyaga oo ku wajahan magaalada Heeg oo ay ku tallo xarunta Maxkamadda ICJ.

Xubnaha guddiga ayaa waxaa hogaaminayo Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guleed iyo xeer ilaaliyaha qaranka iyo qareeno, si ay uga qeybgalaan kiiska dacadda badda ee yalla maxakamadda ICJ-yada iyo  go’aanada la filayo inay maxkamadda ka qaadaneyso muranka xaq daradaha ee Kenya ku dooneyso inay ku boobto xeebaha Soomaaliya.

Dhageysiga dacwadda ayaa la filayaa inay bilaabato 15-ka bishan, iyadoo dhageysiga uu noqonayo mid toos ah, oo aaladda foggaan araga laga daawan doono.

Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guleed oo warbaahinta kula hadlay garoonka Muqdisho ayaa sheegay in dhageysiga dacwadda, qoraalada iyo cadeymihii la soo gaba gabeeyay, haatan ay sugayaan go’aanka maxkamadda, kaas uu sheegay in uu yahay mid farxad gelin doono guud ahaan umaadda Soomaaliyeed.

Maxakamadda Cadaaladda Aduunka waxaa la aasaasay sanadii 1945, Soomaaliya waxeey xubin buuxda ka noqatay sanadii 1963.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here