Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo war ka soo saaray weerarkii lagu qaaday Xerada Xalane

0
266

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weerarkii maanta ee lix madfac ay kusoo dheceen gudaha xeyndaabka Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee  Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii hoobiyayaasha lagu bartilmaameedsaday xarunta shaqaalaha gargaarka bani’aadamnimo Xalane ee Muqdisho.

War ka soo baxay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay baaritaan dhammeystiran ku sameynaysa weerarkan hoobiyayaasha ah  iyo duruufaha amni ee ku xeeran weerarkan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Ma jiraan xarumo ay leedahay Qaramada Midoobey oo waxyeelo kasoo gaartay mana jiraan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku wax-yeeloobay hoobiyaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here