Qoyska George Floyd oo magdhaw loo siinayo 27 Malyan oo doolar

0
67

Qoyska George Floyd ayaa magdhaw ahaan waxaa loo siinayaa 27 Malyan oo doolar sida ay ku dhawaaqeen maamulka magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka oo u ansixiyay lacagtaas.

Waxeey dheegeen in dilkii uu askariga boolis caddaanka ah u gaystay George Floyd uu sababay carao xoogan oo keentay in muddaharaadyo rabshada wata ay ka dhacaan mareykanka gudihiisa iyo meelo badna oo caalamka ah.

Muuqaalka aadka looga argagaxay ee laga duubay ninkan 46 sano jirka ahaa ayaa muujinayay wixi dhexmaray booliska Minneapolis iyo George Floyd qabashadiisa ilaa iyo geeridiisa.

Qoyskiisa ayaa sheegay in hadddii uusan ahayn muuqaalka laga duubay markii Askariga luqunta jilibka kaga hayay ay adkaan lahayd inuu caddaad la helo.

Qareennada u doodayay qoyka  George Floyd  ayaa sheegay in muuqaaka uu fududeeyay cadaalad aan la dafari karin iyo isbadal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here