Tirada dadka u dhimanaya Caabuqa Covid 19 oo sii kordhaysa

0
91

Tirada dadka u dhimanaya Caabuqa Covid 19 ayaa sii kordhayasa sida ay muujineyso warbixinta maalin laha ah ay baahiso wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay 24-kii saac aynu soo dhaafnay waxaa u dhintay Covid 19 dad gaaraya 18 ruux oo 8-ka mid ah ay ku geeriyoodeen gobolka Banaadir.

Sidoo kale Warbixinta wasaarada caafimaadka ayaa lagu sheegay in tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 2,028 isla markaana laga helay dad gaaraya 244 ruux.

Dadkan ayaa 152 laga helay Puntland balse waa baaritaanadii la sameeyey muddo toddobaad ah. Gobolka Banaadir ayaa laga helay 25,Somaliland 45 ruux, Jubbaland 7 ruux, Hirshabelle 6 ruux iyo 3 ruux oo laga helay Galmudug.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in 61 ruux ay ka bogsadeen cudurka. isla markaana tirada guud ee cudurkan ugu geeriyootay Soomaliya ay gaartay 367 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here