DHAGEYSO: Xasan Daahir Aweys oo si adag uga hadlay xaaladaha siyaasadda iyo doorashada

0
93

Xasan Daahir Aweys oo ku jira xabsi guri ayaa si yaab leh uga hadlay xaalada siyaasadeed uu dalka marayo iyo doorashada muranka ku jirto, isagoo talooyin u soo jeediyay madaxweyne farmaajo.

Waxuu sheeg in madaxweyne Farmaajo uu hadda wajahayo xaalad adag oo sida uu kaga gudbi lahaa ay ku adkaan doonto, uuna  kaga digayo inuu sahal ka dhigto Golaha Bad baado Qaran ay ku dhawaaqeen Khamiistii Deni,Madoobe,Murashaxiinta Mucaaradka Qaar iyo Golaha Siyaasiyiinta Soomaaliland kasoo jeeda.

“War ninyahow waxaa kula talinayaa kiiskan haku ceeboobin, labo meel ayaa ka tusayaa, mid waxa weeye dadka hadda kaa soo horjeeda waa dadkii Maxamed Siyaad Barre, markii awoodda heystay oo xukun adag heystay waa nimankii meesha ka saaray, waa kuwii, Hawiye, Daarood oo aad ka dhalatay oo kala ahaa majeerteen iyo Ogaadeen, ee C/llaahi Yuusuf oo SSDF ahaa, USC iyo Caydiid, SPM iyo Ina Cumar Jees” ayuu yiri Xasan Dahir Aweys.

Ugu dambeyn Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in loo baahan yahay Farmaajo in labo daran mid dooro ay kala doorsiin doonto maadaama ay yihiin raggaan isbaheysiga ku dhawaaqay kuwii Afgembiyey dowladii Siyaar Barre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here