Punltland oo tiro maxaabiis ah ku wareejiyay mas’uuliyiin ka tirsan DFS iyo Galmudug

0
100

Maamulka Puntland ayaa maanta maxaabiis gaareysa 15-ruux ku wareejiyay wasiiro iyo xildhibanao ka tirsan maamulka Galmudug, kuwaas oo u xirnaa falal burcad badeednimo ah.

Inkabdan 10-sano ayeey maxaabiistaas ku xinaayeen Jazeeradda Seychelles iyo xabsiga magaalada Garoowe oo mar dambe loo sooo wareejiyay, kadib heshiis isafgarad ah oo dhexmaray maamulka Puntland iyo  madaxda Seychelles.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ku wareejiyay maxaabiista waxaana la keeni doono magalada Muqdsho.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Maxaabiista ay u gudbin doonaan Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, si ay xukunka ugu dhameystaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maxaabiistan ay heli jireen xuquuqdooda isla markaana muuqaal ahaan ay aad u wanaagsan yihiin , waxaana uu xusay in uu ay heli doonaan xuquuqda uu sharciga siinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here