Rag hubseysan oo xaafadda Seeybiyaano ku toogtay sarkaal boolis ah

0
125

Rag hubseysan ayaa xaafadda Seeybiyaano ku toogtay sarkaal boolis ah oo si weyn looga yaqaanay degmada Hodan.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Mahad Cali Cilmi (Mahad Doollar), Wuxuuna uu ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliya.

Meydka sarkaalka ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya oo geeyay xarunta Hay’adda dambi-baarista ee CID-da, si baaris loogu sameeyo meydka marxuunka.

Ciidanka booliska ah ee goobta gaaray ayaa sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen ragii dilka geesta oo goobta isaga baxsaday.

Wax war ah oo ku saabsan dilka sarkaal-ka ayaa weli ka soo bixin hay’adaha amaanka iyo maamulka degmada Hodan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here