Madaxweyne Qoorqoor oo socdaal dhulka ah ku tagay Cadaado

0
126

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa socdaal dhulka ah goor dhow ku gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Kolonyo ka tirsan ciidamada Galmudug oo watay gaadiidka dagaalka ayaa galbinayay socdaalka madaxweyne Qoorqoor iyo Wafdigiisa.

Qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada ayaa soo dhaweeyay Madaxweyne Qoorqoor, waxuuna socdaalkiisa ku qotomaa u kuurgelidda xaalada deegaank ee nololeed iyo amniga.

Waxuu kulamo la qaadan doonayaa maamulka, odayaasha, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Cadaado.

Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa isku jira masaafo dhan 77KM oo waddo laami ah, iyadoo madaxweynuhu uu soo maray wadadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here