Lix xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Hiiraan

0
50

Ugu yaraan lix ruux oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa la diley, saldhigyadooduna waa la burburiyey, kadib hawlgal milatari oo ciidamada xooga dalka ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Xuseen Xasan, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya, islamarkaana hogaaminayay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka uu ka dhacay tuulada lagu magcaabo Afcad ee duleedka degmada Buuloburte.

Wuxuu intaas ku daray iney  burburiyeen dhowr goobood oo ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab oo ku yaalla deegaankaas.

Waxuu xusay inuu sii socon doono howlgalka militari ee ka dhanka ah Al-shabsab ilaa inta laga xoreenayo gobolka istiraatiijiga ah ee beeraha ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here